Friday, February 21, 2025

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay iskaashiga la dagaallanka argagixisada.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo dhiggiisa dalka Turkiga mudane Yaşar Güler ayaa xarunta Wasaaradda Difaaca dalkaasi ku yeeshay wada hadallo ku saabsan xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga la dagaallanka argagixisada iyo horumarinta tababarrada Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.

Kulanka oo diiradda lagu saaray wada shaqeyn qoto dheer iyo iskaashi adag oo gacan ka geysta nabadda iyo xasilloonida mustaqbalka fog ayaa wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga mudane Cabdulqaadir Mamaxed Nuur, waxa uu kaga mahadceliyay Jamhuuriyadda aan Walaalaha nahay ee Turkiga taageerada joogtada ah ee ay ku bixiyaan dagaalka aan kula jirno argagixisada, kaasoo muhiim u ah xaqiijinta xasilloonida iyo ammaanka Soomaaliya.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles