Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Danjiraha Safaaradda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Soomaaliya, Mudane Axmed bin Maxamed Al-Mowallad.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah, gaar ahaan dhinacyada kalluumeysiga, horumarinta dhaqaalaha buluugga ah iyo fursadaha ganacsi ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.
Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Danjiraha Sacuudiga soo dhoweynta diirran iyo diyaar u ahaanshaha iskaashi miro dhal ah. Dhinaca kale, Danjiraha ayaa muujiyay sida ay dowladdiisa uga go’an tahay in la taageero dadaallada horumarineed ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kobcinta dhaqaalaha badda iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya.
Ugu dambeyn, labada masuul ayaa isku raacay in la dardargeliyo wada-shaqeynta, lana dhiso guddi farsamo oo ka shaqeeya hirgelinta mashaariicda la xiriira kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah, si loo gaaro yoolalka istaraatiijiga ah ee labada dal.