Thursday, June 5, 2025

Shirweynaha Qaran ee Maareynta Hubka& Rasaasta oo Muqdisho lagu soo geba-gebeeyay.

Ku Simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa soo xiray shirweynaha Qaran ee Maareynta Hubka, Rasaasta, iyo Ka Hortagga Qaraxyada Macmalka ah, kaas oo muddo labo maalmood ah ka soconayay magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, ayaa sheegay in maareynta hubka iyo rasaasta ay laf-dhabar u yihiin amniga dalkeenna, isla markaana ay Xukuumadda DanQaran mudnaan gaar ah siinayso horumarinta siyaasadaha iyo farsamooyinka lagu xakameynayo hubka sharci darrada ah iyo la-dagaallanka maleegidda qaraxyada lagu carqaladeynayo amniga.
Shirweynaha, ayaa intii uu socday diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa hirgelinta Qorshaha Qaran ee Maareynta Hubka iyo Rasaasta, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa awoodda hay’adaha ammaanka ee la-dagaallama qaraxyada iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta u dhaxeysa hey’adaha Qaran ee heerarka kala duwan iyo saaxiibada caalamiga ah.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles