Tuesday, June 17, 2025

Shirka gogosha wada-tashiga Qaran oo galay maalinta labaad.

Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in wada tashiga uu ka mid yahay tiirarka islaamka uu ku dhisan yahay diintuna ay inna fartay, kaas oo dhanka kalena waafaqsan dhaqankeenna suubban ee ah wada tashiga.

Mudane, Xamsa oo furay maanta shirka gogosha wada-tashiga Qaran ayaa intaa ku daray in doorasho dadban aysan dan u ahayn Qaranka, qabiillada Soomaaliyeed iyo qof walba, maantana aynu haysanno fursad taariikhi ah oo aan kaga gudbi karno nidaamkaas hore, wuxuna sheegay in aysan jirin waddo aan ka ahayn doorasho qof iyo cod ah.

Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xusay guulihii waaweynaa ee ay xukuumadda Dan-Qaran hirgalisay muddadii saddexda sano ahayd, sida cuna qabataynta hubka oo la qaaday, la dagaallanka khawaarijta, deyn cafinta, soo kabashada dhaqaalaha, booqashadii Laas-caanood iyo gogosha wada-tashi ee haatn fidsan si loo lafa guro xaaladda guud ee dalka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS mudane, Saalax Axmed Jaamac ayaa dhankiisa sheegay in tan keliya ee aynu dunida wax kula qaybsan karnaa waqooyi iyo koonfurba ay tahay midnimo.

Mudane, Saalax ayaa intaa ku daray in adkaynta gobannimada iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed ay ka muhiimsan yihiin wax walba, si aan u dhisno dowlad awood leh oo ka tarjumaysa rabitaanka shacabka.

Shirka gogosha wada-tashiga Qaran oo uu shalay furay madaxweynaha JFS mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in lasoo gaba-gabeeyo berri oo Arbaco ah.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles