Thursday, September 19, 2024

Shir looga hadlayay Amniga gobolka Gedo oo lagu qabtay degmada Belad Xaawo

Wasiirka wasaarada Amniga  Maamulka Jubaland Yuusuf Xuseen Cismaan dhuumaal ayaa  maanta gaaray Degmada Beled xaawo  .

Wasiirka  ayaa kulan layeeshay maamulka iyo saraakiisha kala duwan ee ciidamada kuwaas oo howlgalo  ka wada Degmada Beled xaawo si loo xaqiijiyo Amniga iyo u diyaargarowga wajiga labaad Dagaalka lagula dagaalamayo AlShabaab .

Gudoomiyaha degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo Cabdirashiid Cabdi Carook ayaa la wadaagay Wasiirka Amniga Jubland Xaalada Amni ee degmadaas  & baahiyaha ka jira sidii wax looga qaban lahaa

Sidoo kale Gudoomiyaha Degmada Balad Xaawo  ayaa sheegay in ay jiraan Dad qal qal gelinaya Amniga degmada oo ku sugan gudaha degmadaas  isaga balan qaaday in Tallaabo uu maamulkiisa ka qadayo dadka uu ku eedeeyay in Falal lidi ku ah Amniga ay ka wadaan gudaha degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo.

Hadalk ka soo baxay  Gudoomiyaha Degmada Belad Xaawo ee gobolka Gedo ayaa ku soo aadaya Xilii Wasiirka Amniga ee Dawlad Goboleedka Jubland Yuusuf Xuseen Dhuumaal uu balan qaaday in Maamulka Jubland uu wax badan ka qaban doono amnidarada ka jirta degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo.

 

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles