Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha Mr. Wang Yi oo ka qwybgalay shirka G 20 ee Magaalada Johannesburg, Dalka K/Afrika ayaa sheegay in aan loo baahneyn dagaal kale oo ka dhaca Gaza,balse ay waajib tahay in si hufan loo sii ambaqaado heshiiskii xabad joojinta ee ay wadagaareen Israel iyo Hamas.
“Waan aragnay waxa ka dhacaya Gaza iyo Daanta Galbeed,waxaana habboon in wax loo qabto dadka reer Falasyiin,isla markaana loo daayo maamulkooda” ayuu yiri, sida laga soo xigtay qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha.
Mr. Wang Yi waxa uu ku celceliyay in xal laba dowladood ah uu yahay midka kaliya ee lagu soo afjari karo colaadda gobolka isagoo intaa raaciyay in cadaalad darida ku dhacday Falastiin ay keentay dib u dhac muddo 70 sano ah.
“Shiinuhu waxa uu taageerayaa dhammaan dadaallada nabadda ee lagu soo afjarayo colaadaha dunida sida dagaalka Gaza iyo kan Ukrain”ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee Shiinaha.