Sunday, March 16, 2025

Shiinaha oo cambaareeyay xidhiidhka sii xoogaysanaya ee u dhexeeya Somaliland iyo Taiwan.

Dowladda Shiinaha ayaa cambaaraysay xidhiidhka sii xoogaysanaya ee u dhexeeya Somaliland iyo Taiwan, iyadoo sheegtay inay qaaday tallaabooyin cadaadis lagu saarayo Hargeysa si loogu qanciyo inay joojiso xidhiidhka ay la leedahay Taipei.

Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Wang Yu, oo waraysi kooban siiyay warbaahinta Dalsan TV, ayaa sheegay in Taiwan ay tahay qayb muhiim ah oo ka mid ah dhul-weynaha Shiinaha.

“Waxa jira oo keliya hal Shiine oo adduunka ah; Taiwan-na waa qayb aan laga goyn karin Shiinaha. Waxaa jira dalal badan oo taageersan in la helo dib-u-midaynta qaranka. Taasi waa xaqiiqda aasaasiga ah,” ayuu yidhi Wang Yu.

Waxa uu intaas ku daray in dowladdiisu ay si adag u cambaaraynayso, isla markaana uga digayso Somaliland xidhiidhka sii xoogaysanaya ee ay la leedahay Taiwan.

“Taiwan waxa ay gacan saar la leedahay quwada siyaasadeed ee Hargeysa, iyaga oo si cad ugu ololeynaya gooni-isu-taagga. Waanu cambaaraynaynaa oo waanu uga digaynaa xoojinta xidhiidhkaasi,” ayuu hadalkiisa ku daray Wang Yu.

Wuxuu sheegay in dowladdiisu ay qaaday tallaabooyin lagaga hortagayo Somaliland, isla markaana dowladda Soomaaliya ay iska kaashanayaan danaha qaramadooda ee waaweyn, sida midnimada dhuleed. “Shiinuhu wuxuu garab siinayaa dowladda Soomaaliya si loo ilaaliyo midnimada dhuleed ee qarankooda,” ayuu yidhi.

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa dhawaan sheegay in xukuumaddiisu ay kor u qaadi doonto xidhiidhka ay la leedahay Taiwan, oo ah jasiirad qaniga ah balse aan haysan aqoonsi caalami ah.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles