Saturday, July 5, 2025

RW 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐜𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚𝐚𝐧𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐡𝐨𝐫𝐞

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, iyo Wasiirkii hore Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur,

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay in Wasaaradda Gaashaandhiggu ay laf-dhabar u tahay difaaca Qaranka, amniga iyo horumarinta siyaasadda Qaran ee dib-u habeynta iyo tayeynta ciidanka Qaranka ee habeen iyo dharaarba u dhimanaya difaaca dalka iyo diinta, si loo ciribtiro kooxaha Khawaarijta ah, loona baahanyahay in la dhamaystiro Qorshaha Xukuumadda ee Soomaaliya nabad ah.

“Wasaaradda Gaashaandhiggu waxa ay ku tallaabsatay horumar dhinacyo badan leh oo ay kamid yihiin qaadista cunaqabateyntii hubka oo muddo dheer kaddib dalkeenna laga qaaday, diyaarintii ciidamadii kala duwanaa ee ka qeyb-qaatay amniga caasimadda, iyo diyaarinta qorshaha casriyeynta hannaanka ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo lagu sameeyay dib-u-habeyn xooggan, sidaas awgeed Wasiirka cusub waxaa laga doonayaa in uu horumariyo siyaasadda Qaran ee difaaca iyo dib-u xoreynta dalka”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Mudane Xamsa, ayaa Wasiir Cabdiqaadir, ku ammaanay dedaalkii badnaa ee uu galiyey sidii loo heli laxaa ciidan Qaran oo awood u leh in ay dalkeenna ka difaacan cadowga, una diyaarsan ciribtirka Khawaarijta, waxaa uuna Wasiirka cusub kula dardaarmay in uu dardargaliyo dib u habeynta ciidamada iyo wada-shaqaynta hey’addaha amniga si looga guuleysto kooxaha argagixisada ah.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles