Thursday, July 3, 2025

Raysal wasaare Xamse oo maanta Tababar u soo xiray saraakiil iyo cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor.

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta tababar u soo xiray saraakiil, saraakiil xigeenno iyo cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo tababbaro kala duwan ku soo qaatay dalka Turkiga iyo Kulliyada Tababbarka ciidamada ee TurkSom ee magaalada Muqdisho.

Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ugu horeyn sheegay in dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay ku howlan tahay dhismaha ciidan qaran oo loo dhamaystiray aqoon iyo hoggaamin wanaagsan.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay Raysal wasaare Xamse in ciidamadaan ay qeyb ka noqon doonaan howlgalada culus ee dowladda Soomaaliya ku doonayso iney dalka kaga ciribtirto kooxaha loogu yeero argagixisada ee ka dagaalama gudaha dalka.

“Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed waxaa ay laf-dhabar u yihiin dowladnimo xooggan oo isku filan, sidaasi darteed waa in aad qaadaan masuuliyadeeda, waxa aad u diyaar-garowdaan in aad dalkeenna ka xoreysaan cadowga oo soo celisaan qiimaha, sharafka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Raysal Wasaare XamseCabdi abarre.

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa kula dardaarmay ciidankaan soo qaatay tababarka sare iney door weyn ka qaataan dadaalada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ku doonayaan xaqiijinta amniga guud ee dalka.

Ugu dambeyntii Raysal Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyey dowladda Turkiga iyo shacabkeeda dadaalkooda iyo garab istaagga ay u muujiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles