Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire James Swan.
Kulanka ayaa looga hadlay wadashaqeynta dowladda iyo hey’adaha Qaramada Midoobay, taageerada qorshaha dowladda ee doorashooyinka qof iyo cod ah, hawlgalka cusub ee Midowga Afrika AUSSOM.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in tallaabooyinka muhiimka ah ee dowladdu u qaaday dhanka dimuqraadiyeynta, horumarka iyo dowlad-dhiska Soomaaliya, isagoo uga mahadceliyey taageerada xafiiska Qaramada Midoobay ee ku aaddan arrimaha gargaarka, amniga iyo geedi-socodka nabadda.



