Friday, April 18, 2025

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo booqday xarunta diiwaan-gelinta dad weynaha ee degmada Shagaani.

Ra’iisul Wasaare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa booqday degmada Shangaani oo ay ka socoto diiwaan-gelinta dadweynaha.

Ra’iisul Wasaaraha oo ay wehliyaan Wasiirka arrimaha gudaha XFS, Cali Yuusuf Cali (Xoosh), Duqa muqdisho iyo ma’uuliyiin kale ayaa ku biiray muwaaddiniinta halkaasi iska diiwaan-gelinaysa.

Mudane Xamsa ayaa sheegay in dadka maanta ay bacadka u taaganyiihiin in ay berri codkooda wax ku doortaan, taas oo uu ku tilmaamay guul ay Soomaaliya gaartay.

“Dadkan maanta is diiwaan-gelinaya waxay bacadka u taaganyiihiin in ay berri codkooda wax ku doortaan, waana guul ay Soomaaliya gaartay.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu maanta arko shacabka Soomaaliyeed oo muddo dheer ka dib gudanaya waajibkooda dastuuriga ah, maaddaama ay xaq u leeyihiin in la doorto iyaguna ay wax doortaan.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles