Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa daah-furay warbixin sanadeedka 2024, ee horumarka maaliyadeed ee Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, ayaa sheegay in Soomaaliya gaartay horumar dhaqaale oo la taaban karo iyada oo guul laga gaaray dhanka maamulka maaliyadda, kobcinta dakhliga dowladda iyo kaabayaasha dhaqaalaha dalka.
Mudane Saalax, ayaa tilmaamay in hirgalinta nidaam maaliyadeed oo hufan uu kaalin weyn ka qaadanayo xoojinta dakhliga hey’adaha dowladda. Waxa uunna xusay in loo baahan yahay in saldhig looga dhigo maamulka maaliyadda dalka Qorshaha Isbeddelka Qaranka oo Xukuumadda DanQaran hirgalisay.