Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diray guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyskiisa iyo dhaqanka Soomaaliyeed, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi (Fara-cadde) oo ka mid ahaa duubabka dhaqanka Soomaaliyeed ee facaweyn.
R/wasaaraga ayaa xusay in marxuumkaasi uu kaalin wax ku ool ah ka soo qaatay nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo dowlad-dhiska Soomaaliyeed.
R/wasaare Xamsa waxa uu marxuumkaasi Alle u weydiiyay in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.