Saturday, December 21, 2024

R/W Ku xigeenka dalka oo tacsi ugu tegey qoyskii Allaha u naxariistee uu Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi “Faracade”.

Ra’iisal Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta tacsi ugu tegey qoyskii Allaha u naxariistee uu Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi “Faracade” 13kii bishan uga geeriyooday magaalada Maka ee Boqortooyada Sacuudi Caraabiya.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa Allaah uga baryay in uu Marxuumka ka waraabiyo jannadiisa Samir iyo Iimaanna ka siiyo ehelka, beesha uu ugaaska u ahaa iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo hoggaaminayey xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda iyo Xildhibaannada labada Aqal, ayaa sida oo kale saxiixay Buugga Tacsida ugaaska.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles