Ra’iisal Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta tacsi ugu tegey qoyskii Allaha u naxariistee uu Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi “Faracade” 13kii bishan uga geeriyooday magaalada Maka ee Boqortooyada Sacuudi Caraabiya.
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa Allaah uga baryay in uu Marxuumka ka waraabiyo jannadiisa Samir iyo Iimaanna ka siiyo ehelka, beesha uu ugaaska u ahaa iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo hoggaaminayey xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda iyo Xildhibaannada labada Aqal, ayaa sida oo kale saxiixay Buugga Tacsida ugaaska.