Thursday, September 19, 2024

MW Xasan Shiikh oo shaaciyey arrin ay Soomaali ku Midoobi karto

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo casho sharaf ku maamuusay Culumaa’udiinka ka qayb galay Shirweynaha Labaad ee Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa soo dhoweeyay War-murtiyeedka ka soo baxay Shirweynaha culumaa’udiinka, isaga oo kula dardaarmay in ay xoojiyaan midnimada dhexdooda ah, si loo helo midnimo Soomaaliyeed oo waarta.

Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay Culumaa’udiinka sida midnimada leh ee ay dowladda ugu garab istaageen ilaalinta Diinta, Dhaqanka suuban iyo Nolosha muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxa uuna ku booriyay in ay adkeeyaan doorkooda ku aaddan jiheynta ummadda, adkaynta dowladnimada, horumarinta dalka iyo wacyi galinta bulshada.

“Culumaa’udiinka Soomaaliyeed waa hoggaamiyaasha Ummadda waxaana la idinka sugayaa in aad dadka u jiheysaan dariiqa nabadda, amniga iyo dowladnimada. Nabad, midnimo iyo horumar ay dadka Soomaaliyeed gaaraan waxa ay ku xiranyihiin in la helo Culumaa’udiin Soomaaliyeed oo mid ah”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Culumaa’udiinka ku adkeeyay xoojinta dadaalkooda ku qotoma la dagaallanka Al shabaab, ka hor tagga afkaaraha qaldan ee ay faafiyaan iyo isku soo dhoweynta bulshada Soomaaliyeed ee ku kala irdhowday colaadaha sokeeye.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles