Friday, July 4, 2025

MW Xasan Sheikh oo Shahaado Sharaf ku abaal mariyey Wasaaradda Warfaafinta JFS.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shahaado sharaf hawlkarnimo ku abaal mariyey Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayado shahaado sharaftaasina la guddoon siiyey ku simaha Wasiirka ahna Wasiir ku xigeenka Wasaaradda C/raxmaan Yuusuf Cumar (Al-Cadaala) oo Wasaaradda ku hogaaminayey guddiga Qaran ee maalmaha Xoriyadda, maadaama uu Wasiirka Wasaaradda Mudane Daa’uud Aweys Jaamac uu ku maqan yahay safar shaqo.
Shahaado sharaftan ayey Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ku muteysatay doorkii fir fircoonaa iyo shaqooyinkii hagar la’aaneed ee Wasaaraddu ka qaadatay dabaal degyada todobaadka Xoriyadda ee 65sano guurradii kasoo wareegatay markii ay Soomaaliya ka xorowday gumeystayaashii Talyaaniga iyo Ingiriiska, si gaar ahna waxaa Wasaaraddu ay hormuud u aheyd ololihii wacyi gelinta todobaadka xoriyadda iyo abaabulidda kulamo faneedyo dadweynaha Soomaaliyeed loogu wacyi gelinayey qiimaha Xoriyadda.
Ku simaha Wasiirka ahna Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS C/raxmaan Yuusuf Cumar (Al-Cadaala) oo xubin ka ahaa guddiga qaran ee qaban qaabada maalmaha xoriyadda waxa uu sidoo kale hogaaminayey guddi hoosaadyo kala duwan kuwaasi oo si xooggan u abaabulay isku soo baxyo ka dhacay caasimadda dalka ee Muqdisho ayadoo Wasaaraddu doorkeeda uu ahaa jadwaleynta iyo u asteynta degmooyinka ay kooxaha Fanka ee Qaranka dadweynaha ku wacyi gelinayaan, u gudbinta shacabka dadaalladaasi wacyi gelinta ayadoo Wasaaraddu u fududeysay guud ahaan saxaafadda Soomaaliyeed Toos u tebinta munaasabadaha maalmaha Xoriyadda taasi oo guud ahaan saxaafaddu si isku mid ah oo weyn ugu tebisay shacabka.
Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya oo ku hawlgaleysay awaamiirta iyo tallooyinka Wasiirka Wasaaradda Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sanadkaan door muuqda oo hogaamineed iyo abaabul bulsho ka qaadatay dabaaldegga maalmihii Xoriyadda ee 65 sano guurrada Soomaaliya , ayadoo doorkaasina uu yahay kan saameynta muuqata u yeelay xuska sanadkan.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles