Sunday, June 1, 2025

MW Cali guudlawe oo booqday Difaaca degaanka Geel-Gub ee G/SH/dhexe.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maalmahan booqonayo xaq-u-dirirka deegaanka iyo Ciidamada Qalabka Sida ee ku sugan difaacyada kala duwan waxana uu maanta kormeeray deegaanka Geel-gub.
Sarakiisha ayaa warbixin ku siiyay Madaxweynaha in dhammaan ciidamada kala duwan ay ku jiraan heegan buuxo.
Madaxweynaha ayaa sameynayo isku-xir guud oo dagaalka xilli la mideeyay gulufka lagu dabar-goynayo Khawaarijta.
“Culeyska argagixisada ay ku heyso Hirshabeelle ayaan soo af-jareynaa, waxaan ku baaqayaa awood mid ah inaan ku wajahno dagaalka oo laga fogaado midnimo la’aan.” Sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle.
Khawaarijta, ayaa dagaallamayaashii ugu badnaa waxaa looga dilay Hirshabeelle welina waxaa ku socdo beegsi xooggan.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles