Wednesday, June 25, 2025

Maxkamadda gobolka Banaadir oo billowday dhagaysiga dacwad ka dhan ah eedeysanayaal loo haysto tahriibinta dadka.

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta billowday dhageysiga dacwad ciqaab ah oo loo heysto toddobo qof oo xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka uu kusoo eedeeyay in ay galeen dambiyo la xariira tahriibinta, ka ganacsiga dadka iyo dembiyo kale.

Eedeysanayaasha ayay ciidanka Boliiska kasoo qabteen xaafado kala duwan oo ku yaalla magaaladda Muqdisho, kadib markii xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka uu helay xogta shabakaddaan.

Eedeysanayaasha ayaa loo haystaa in ay ku lug leeyihiin tahriibinta dhallinyaradii dhammaadkii sannadkii hore ku geeriyootay badweynta Hindiya kuwaasi oo gaarayay 28 qof, kadib markii magafayaashii loo gacan galiyay ee badweynta kaga tageen doontii la saaray.

Dowladda Soomaaliya ayaa dalkoodii dib ugu soo celisay dhallinyaradii ka badbaaday dhacadaasi, iyadoo sidoo kale soo celisay dhallinyaro badan oo ku xirnaa xabsiyada waddamo kala duwan.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles