Saturday, September 14, 2024

Maxkamadda ciidamada Jubbaland oo xukun dil toogasho ah ku fulisay rag horay dilal u geystay

Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida iyo dambiyada culus ee dowlada goboleedka Jubbaland ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku fulisay rag horay dilal u geystay.

Xeer ilaaliye ku xigeenka maxkamadda ciidamada Qalabka sida, Mowliid Axmed Xasan ayaa warbaahinta u akhriyay xukunka maxkamadda fulisay, sidoo kalana sheegay in waajib tahay ciddii qof dil u geysataa laga oofin doonno, lana marsiin doono sharciga.

Eedaysanayaasha  ayaa kala ah:- Yaasiin Cusmaan Colow oo horay u dilay Marxuum Muxiyadiin Cabdi Xassan iyo gacan ku dhiigle Dable Maxamed Cabdullaahi Siciid oo isna horay u dilay Marxuum Maxamed Deeq Nuune Saalax.

Sidoo kale waxaa warbaahinta la hadlay waalidiinta dhibanayaasha iyo loo dhibanaha oo ka mahadceliyay fulinta qisaasta sida ay ugu fuliyeen maamulka Jubbaland kana mahadceliyay sida xukunka u dhacay tilmaamay in ay ku qanacsanyihiin.

Qisaasta maxkamadeyntaan ayaa imaaneysa xilli ay horay xukunno sidaan oo kale rag loo qisaasay dad ay u geysteen dilal.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles