Wednesday, September 18, 2024

Banaanbax looga soo horjeedo Al-shabaab oo Maanta ka dhacay Muqdisho

Banaanbax looga soo hor jeedo falkii arga-gaxa lahaa ee habeeno ka hor ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa lagu qabtay Xeebta Liido, halkaas oo habeenkii Jimcaha lagu beegsaday dad shacab ah.

Masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda oo isugu jira xildhibaano, wasiirro, maamulka gobolka Banaadir iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qeyb galay banaanbaxaas.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Shacabka Soomaaliyeed kala qeybgalay isku soo baxa, waxaana uu ka tacsiyeeyay xasuuqii dhalinyarada Soomaaliyeed loogu geystay Xeebta Liido ee Degmada Cabdicasiis.

Sidoo kale Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo goobta kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in isku soo baxaan uu farriin u diray AS oo uu ku eedeeyay inay usoo jeesatay beegsiga shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Barre oo xeebta Liido kula hadlay Wariyeyaasha ayaa sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin inay kacaan, kana dhiidhiyaan ficilada guracan ee khawaarijta

“Haddii aan nahay mas’uuliyiinta Dowladda waxaan la dareen nahay dhallinyarada Soomaaliyeed ee ka dhiidhinaya ficilada Khawaarijta”  ayuu yiri wasiir Maxamed Barre.

Qaar kamid ah dhalinyarada ka qeyb galay dibadbaxa ayaa dhankooda muijiyay darenkooda iyagoo shèega in ay garab taaganyihiin geesiyasha qaranka si Guud ahaan dalka looga xoreeyo khawaarijta.

Jimcihii ayay ahayd markii la beegsaday dhalinyaro ku caweyneyay xeebta liido,halkaa oo ay ku dhinteen in kabadan 30-dhalinyaro Soomaaliyeed ah ayna ku dhaawacmeen in kabadan 60-kale,waxana xusid mudan in ciidanka amniga ay halkaa ku fashiliyeen Gaari ay qarax kusoo xireen AS.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles