Mareykanka ayaa mar kale Israa’iil u muujiyay garab istaag intii lagu guda jiray shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay
Waxaa uu hor istaagay qaraar lagu dalbanayo xabbad-joojin degdeg ah oo ka dhacda Qasa.
Waa dalka kaliya ee ka codeeyay qoraalka la soo bandhigay, xilli ay Washington ku baaqaysay in la sii daayo dhammaan dadka Israa’iiliyiinta ah ee la haysto.
Masuul Maraykan ah ayaa sheegay in qaraarka uu ku guuldareystay inuu cambaareeyo Xamaas ama uu aqoonsado xuquuqda Israa’iil u leedahay inay is difaacdo.
Safiirka Algeria ayaa raaligelin ka bixiyay dadka reer Falastiin guuldaradii ku timid ilaalintooda.
Goor sii horreysay, masuul ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaamay xaaladda magaalada Qasa ” masiibo”.




