Friday, November 22, 2024

Mareykanka oo Itoobiya kala hadlay xiisadda Badda ee Soomaaliya.

Magaalada Addis Ababa waxaa gaaray wafdi Maraykanka ka socda oo uu hogaaminayo ergayga dowladda Marykanka u qaabilsan bariga Afrika Mike Hammer, kaasoo kulamo la qaatay madaxda dalkaasi.

Ergayga Maraykanka ayaa kulan la qaatay wasiirka arrrimaha dibadda ee Itoobiya ambasador Taye Atske-Selassie.

Sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya, dhinacyada ayaa ka wada hadlay nabada iyo xasilloonida gobolka.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya ayey wasaaraddu sheegtay inuu hoosta ka xariiqay in Itoobiya u baahan tahay in laga taxadaro ciidamada loo daabulayo Soomaaliya ka dib howlgalka nabad ilaalinta ee ATMIS.

Howlgalka ATMIS ee Soomaaliya ayaa waqtigiisu ku egyahay Dhammaadka sanadkan 2024, halka sida dowladda Soomaaliya sheegtayna la filayo in howlgalka cusub ee beddelaya kii hore uu bilaaban doono horraanta sanadka soo socda ee 2025-ka.

Wakaalada FANA oo soo xiganaysa wasaaradda arimaha dibadda ayaa sheegtay in wasiir Taye uu sheegay in dalkiisu doonayo in la yareeyo xiisadda ka taagan gobolka.

Lama sheegin faahfaafin intaa dheer oo dhinacyadu ka wada hadleen balse ergayga Maraykanka ee Geeska Afrika ayaa socdaalkiisa gobolka wuxuu ku soo beegmay iyadoo xiisaddi ka dhextaagan tahay dalka deriska ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Maxamed Mukhtaar oo falanqeeye arrimaha gobolka ah ayaa BBC-da u sheegay in Itoobiya ay doonayso inay “culayska gudaheeda ka jira dunida uga weeciso xiisadda ka jirta gobolka” oo sida uu sheegay “ay iyadu abuurtay”.

Mukhtaar, wuxuu sheegay in ujeedada ugu weyn ee ergayga Maraykanka ee Bariga Afrika uu u tagay Addis Ababa ay tahay sidii dowladda Itoobiya uu ugula hadli lahaa dhaqangalinta heshiiskii Pretoria ee dhexmaray Tigray iyo dowladda Itoobiya.

‘‘Waa dareemi kartaa Itoobiya waxay marwalba duraysaa xiriirka isku soo dhawaanshaha Masar iyo Soomaaliya kaasoo ay u aragto inuu iyada dhib ku yahay, taasna inay walwal ka qabto ma aysan qarin.”ayuu yiri Mukhtaar.

Wuxuu intaa ku daray in Itoobiya ay ka hor dhacayso wax aan dhicin “Balse ereyga ah ciidamado lagu soo dal dalayo kaa ayaad mooddaa eray aan meesha qaban, sababtoo ciidan la keenay hadda oo jooga soomaaliya, oo waddamo kale ka yimid oo ay qaramada midoobay ogoshahay ma jiraan” ayuu yiri.

Falanqeeye Mukhtaar, wuxuu sheegay in wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya uu Maraykanka kala hadlay “wax aan ajandaha ugu jirin ergayga, uuna doonayo inuu mushaakilka dalkiisa ka dhex jira ku qariyo xurgufta kala dhaxaysa Soomaaliya”

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles