Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray magaalada Brussels ee dalka Belgium, halkaas oo uu kaga qaybgali doono shirka Midowga Yurub iyo wadamada soo koraya.
Madaxwaynaha ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeedin doona madasha oo socon doonta inta u dhexeysa 25-26 Oktoobar 2023.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Muddada uu Joogayo dalka Belgiumka waxa uu kulamo uu la qaadan doono Madaxda ka qayb galaysa shirka oo uu kala hadli doono Xoojinta Xiriirka Soomaaliya ay la leedahay Wadamada Midowga Yurub iyo iskaashiga ka dhexeya.