Friday, July 4, 2025

Madaxweyne Laftagareen oo qaatay kaarka codbixinta koofur galbeed.

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ka qayb galay Munaasabadda Daah-furka Ololaha Diiwaan gelinta Codbixinta Deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed.

Munaasabadda Diiwan-Gelinta ayaa waxaa ka qeybgalay Mudanayaal ka tirsan Goliyaasha Dowladda Koonfur Galbeed xubno ka tirsan Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha iyo qeybaha kala duwan Bulshada Magaalada Baydhabo.

Madaxweyne Laftagareen oo noqday Qofkii ugu Horeyey ee qaata Shahaada Diiwan-Gelinta Cod Bixiyaasha ayaa Bulshada Koonfur Galbeed kula Dardaarmay inay is Diiwan-Geliyaan kana qeyb qaatan Hanaanka Doorashooyinka Qofka iyo Codka.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles