Tuesday, July 1, 2025

Madaxweyne JFS oo ka qayb galay madasha diplumaasiyadda ee Antalya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kala qeybgalay Madaxda Caalamka, furitaanka Madasha Diplomaasiyadda Antalya ee dalka Turkiga.

Madashan oo ka mid ah fagaareyaasha caalamiga ah ee ugu muhiimsan iskaashiga dhanka amniga iyo siyaasadda ayaa wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mudnaan siinayaan xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee caalamiga ah, isdhaafsiga khibradaha maamul iyo sidii Soomaaliya ay doorkeeda uga qaadan lahayd arrimaha caalamiga, iyadoo la xaqiijinayo midnimada iyo danaha dalkeenna.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu mahadceliyey dowladda iyo shacabka Turkiga martiqaadka iyo soo dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan doceedyo la qaadan doona madaxda iyo hoggaamiyeyaasha ka qeyb-galaya Madashan.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles