Wednesday, March 12, 2025

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo ka wadahadlay xoojinta xiriirka labada dal.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta khadka telefoonka kula hadlay Amiirka Dowladda Qatar, Mudane Sheekh Tamim Bin Hamad Al Thani.

Labada hoggaamiye ayaa si qoto dheer uga wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal, iyagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay horumarinta iskaashiga dhinacyada kala duwan si looga mira dhaliyo danaha labada shacab

Sidoo kale, waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay kor u qaadidda wada shaqaynta labada dal si loo xoojiyo xiriirka adag ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles