Wednesday, February 5, 2025

Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka tacsiyeeyay geerida abwaan Cabdulle Geeda-naar.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa kaga tacsiyeeyay shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladda Hirshabeelle geerida Allaha u naxariisto Abwaan Cabdulle Geeda-naar.

Abwaanka ayaa caan ku ahaa shiribka iyo guuroowga waxana uu suugaantiisa diirada ku saari jiray nabadda iyo wacyigelinta.

Noloshiisa ugu badan waxa uu ku qaatay magaalada Muqdisho inkastoo waayadii dambe uu ku noolaa gobalka Shabeellada Dhexe ee Dowladda Hirshabeelle.

“Allaha u naxariisto Abwaan Cabdulle Geeda-naar, ehelka, asxaabta iyo shacabkii Soomaaliyeed ee muddada ku xirneyd suugaantiisa waxaan ugu tacsiyeynayaa geerida Abwaanka.”

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa Alle uga baryay inuu ka waraabiyo Janno Fardowsa.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles