Wednesday, March 12, 2025

Madaxweynaha Hirshabeelle oo cambaareeyay qaraxii ayShabaa ka fuliyeen Baladweyne.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa cambaareeyay weerarka fuleynimada ahaa ay geeysteen Khawaarij ku dhiiran weysay furimaha dagaalka inay yimaadaan taa beddelkeedana doortay inay xasuuqaan shacab sooman.

Howgalka dabar-goynta Khawaarijta oo ay iska kaashanayaan Daraawiishta Hirshabeelle, Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xaq-u-dirirka deegaanka ayaa guud ahaan ka socdo Hirshabeelle waxana uu si weyn u naafeeyay damaca argagaxisada ee ahaa inay gumaadaan dadka shacabka ah.

“Allaha u naxariisto Nabaddoon Aadan Cali Cabdulle, Nabaddoon Maxamed Cismaan Faarax, Gaashaanle Aadan Maxamuud Calasoow iyo shacabkii ku shahiiday weerarkii bahalnimo ee argagixisada, Allaha bogsiiyo intii ku dhaawacantay. Aan u midoowno dhammeystirka Khawaarijta arxanka daran.”

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay ciidamada amniga Dowladda Hirshabeelle sida ay u toogteen maleeshiyaadka khawaarijta ee gudaha u galay Hotel Qaahira ee magaalada Beledweyne.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles