Thursday, March 13, 2025

Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Safiirka Turkiga oo ka wada hadlay dagaalka Shabaab.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Safiirka dowladda Turkiga Danjire Alper Aktas oo yeeshay wada haddal khadka telefoonka ah.

Ugu horeyn Safiirka ayaa ugu mahadceliyay Madaxweynaha Hirshabeelle adkeysiga dagaalka Khawaarijta xilli lagu jiro bisha barakeysan ee Soon-qaad.

Sidoo kale safiirka ayaa u tacsiyeeyay intii ku dhimatay dagaalka isagoo Rabbi uga baryay caafimaad inta ku dhawaacantay howlgalka dabar-goynta Khawaariijta.

Danjire Alper Aktas ayaa tilmaamay in laga adkaan doono argagixisada waqti dhow.

“Farriinta dowladda Turkiga oo ka mid ah walaalaha Soomaaliya waxa ay dhiirogelin u tahay dhammaan naf-hurayaasha taagan furimaha dagaalka Hirshabeelle.”

Gunaanadkii, Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa ugu mahadceliyay danjiraha dowladda Turkiga ee u fadhiyo Soomaaliya wada haddalka khadka telefoonka ee uu lasoo sameeyay.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles