Thursday, June 19, 2025

Macawiisleeyda gobolka Hiiraan oo howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Dhexe.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qorsheysnaa oo Xalay ciidanka Macawiisleeyda gobolka Hiiraan ka fuliyeen deegaanka Ceel dheere Buraale ee gobolka Shabeellaha dhexe iyo deegaano hoostaga.

Ciidanka Macawiisleeyda ayaa weerarka si gaar ah ugu beegsaday goobo la tilmaamay in maalmahii lasoo dhaafay ay isku aruursanaayeen dagaalamayaal ka tirsan Maleeshiyaad Al-shabaab.

Sarkaal ka tirsan ciidanka Macawiisleeyda ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in weerarka uu ahaa mid ay kaga hortagayeen abaabul ay kooxdu ka wadeen deegaanka Ceel dheere buraale.

Sarkaalka u hadlay Macawiisleeyda Hiiraan ayaa HOL u sheegay in howlgalka khasaare xoog leh ay ku gaarsiiyeen Al-shabaab, islamarkaana ay ku dileen ku dhawaad 10 xubnood oo ka tirsan kooxda.

Howlgalkaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalmahii lasoo dhaafay xaalada deegaanada ku yaala xadka gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ay aheyd mid degan.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles