Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Maamulka Puntland ayaa saaka aroornimadii hore magaalada Gaalkacayo ku fulisay dil toogasho ah 10 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab. Xubnahan la toogtay ayaa lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dilal hore uga dhacay magaalada Gaalkacayo, kuwaas oo ahaa dilal qarsoodi ah oo lagu beegsan jiray dadka rayidka ah iyo mas’uuliyiinta.
Dagaalyahanadan Al-Shabaab ayaa ahaa shabakad isku xiran oo si qarsoodi ah uga howlgalaysay gudaha magaalada Gaalkacayo, iyagoo fulin jiray weeraro qorsheysan oo dilal ah. Ciidamada amniga ee Puntland ayaa horey uga soo qabtay kooxdaan magaalada Gaalkacayo, waxaana la horkeenay maxkamad militari oo kadib baaritaan iyo dhageysiga dacwadooda ku xukuntay dil toogasho ah.
Fulinta xukunka dilka ah ayaa muujinaysa sida maamulka Puntland uu uga go’an yahay la-dagaallanka kooxaha argagixisada, gaar ahaan Al-Shabaab, oo weeraro kala duwan ka geysta gobollada dalka. Dilalkan toogashada ah ayaa sidoo kale fariin u ah kooxaha kale ee hubeysan in maamulka Puntland uu diyaar u yahay in uu tallaabo adag ka qaado cid kasta oo khatar ku ah amniga gobolka.