Saturday, January 17, 2026

Laascaanood oo maanta lagu qabanayo munaasabada caleemo saarka madaxda Waqooyi bari.

Waxa maanta magaalada laascaanood ee xarunta dowlad gobolleedka Waqooyi bari ka qabsoomaya munaasabada caleemo saarka Madaxda dowlad gobolleedka Waqooyi bari oo dhowaan la doortay.

Munaasabadan ayaa waxa ka qayb gelaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya,Ra’iisulwasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya,madaxda dowlad gobolleedyada dalka,xubnaha gollaha wasiiradda,goleyaasha labada aqal Baarlamaan iyo marti sharaf kale oo ka kooban qaybaha kala duwan ee bulshadda Soomaaliyeed.

Waxa sidoo kale munaasabadan ka qayb gelaya wafdiyo kala duwan oo ka kala socda Beesha Caalamka,dowladda Jabuuti ayaa waxa ka yimid xubno ka tirsan golaha wasiiradda,waxa iyaguna saaka yimid laascaanood Safiirada Soomaaliya u fadhiya dalalka Turkiga,Suudaan iyo Sucuudiga.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles