Sunday, December 22, 2024

Kullanka golaha wakiilada dowlada hirshabelle oo loga hadlay ajandeyaal muhiim ah.

Waxaa maanta ka qabsoomay Xarunta Golaha Wakiilada Dawladda Hirshabelle Kalfadhiga 16-aad kulankiisa 2aad oo uu shir guddoominayay Gudoomiyaha Golaha Dr-Abdihakim Lukman Haaji Mohamed oo ay wehliyeen Guddoomiye kuxigeenka 1aad Mudane Siraaji Sheikh Isaaq Cabdulle iyo Guddoomiye ku xigeenka 2aad Mudane Mahad Xasan Cusmaan.

Kulanka Golaha oo ay soo xaadireen 60 xildhibaan, ayaa ajandihiisu ahaa:

1. Akhrinta 1aad ee Miisaaniyada Dowlada Hirshabelle ee sanadka 2025, oo ka badan 40 milyan oo dollar.

2. Akhrinta 3aad iyo ansixinta Xeerka Dhowrista Deegaanka ee Hirshabelle, oo ay soo gudbisay Wasaaradda Deegaanka Dowlada Hirshabelle.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Dowladda Hirshabelle Mudane Cabdiraxiin Ciisa Cadoow, ayaa Golaha ka hor akhriyey miisaaniyada sanadka 2025, taasoo ah 40,146,593.04 doolar, oo korortay 100% marka loo eego miisaaniyadii hore.

Sidoo kale Golaha ayaa akhrinta 1aad marsiiyey dib-u-eegista Xeerka Tariifada Dowlada Hirshabelle.

Dhanka kale Wasiirka Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada, Xildhibaan Mohamud Hussein Yusuf, ayaa uga Mahadceliyey Golaha ansixinta Xeerka Dhowrista Deegaanka ee Dowladda Hirshabelle.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Baarlamaanka Dr. Abdulhakim Lukman, ayaa soo xiray kulanka Golaha Guud ee Baarlamanka Dowladda Hirshabelle.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles