Wednesday, February 5, 2025

Kulan looga hadlayo xaaladda bani’aadannimo ee dalka oo ka dhacay Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta guddoomiyay kulan looga hadlay xaaladda bani’aadannimo ee dalka, waxaana kulankaan goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaaradda ayaa diiradda lagu saaray warbixinta abaarta La-nina, saameynta taban ee durba ka dhalatay taageerada qaar ka mid ah hay’adaha ka shaqeeya howlaha gargaarka oo istaagtay iyo in wadajir looga howl-galo wax ka qabashada xaaladda bani’aadannimo ee waddanka.

Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa xusay in dadaallada diblomaasiyadeed iyo doorka hoggaamin ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda xogga lagu saari doono sidii indhaha caalamka loogu soo jeedin lahaa malxadda ban’aadanimo ee ka jirta Soomaaliya.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles