Sunday, June 1, 2025

Kooxo Hubeysan oo Xalay dishay Agaasimihii Waaxda Arrimaha Diinta ee Hirshabeelle

Koox hubeysan ayaa ku dishey Xalay xaafada Hantiwadaag ee magaalada Jowhar Dr. Mohamed Abdi Cali Dr.Gaalib, oo ahaa Agaasimaha Waaxda Arimaha Diinta ee Wasaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowladda Hirshabelle.
Lama oga cidda ka dambeysay dilka Dr Gaalib oo ahaa nin dhalinyaro ah oo aqoonyahan ahaa isla markaana ka soo shaqeeyay xarumo kala gedisan oo dhinaca caafimaadka.
Raggii ka dambeeyay dilka Dr Gaalib ayaa goobta ka baxsaday hase yeeshee,Ciidamada Booliska ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay iyagoo baaritaano ay ka sameeyeen.
Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Hirshabelle Xildhibaan Cali Cismaan Ibraahim, cali ciiley, ayaa tacsi u direy qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday marxuumka.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles