Xoogaga hubeysan ee Mucaaradka ku ah dowladda Suuriya ayaa shaaca ka qaaday iney qarka u saaran yihiin iney gudaha u galaan magaalada Dimishiq oo ah Caasimadda dalkaasi Suuriya.
Gaashaanle dhexe Xasan Cabdulqani oo ka mid ah waaxda howlgalada Militariga ee kooxaha Mucaaradka ayaa maanta bartiisa Talegram-ka ku shaaciyay in wax ka yar 20 KM u jirto magaalada Caasimadda ah ee Dimishiq.
“Ciidamadu hadda waxay wax ka yar 20 Kiilomitir u jiraan albaabka koonfureed ee Caasimadda Dimishiq” ayuu yiri Gaashaanle dhexe Cabdulqani.
Kooxaha Mucaaradka ayaa saacadahii lasoo dhaafay sheeganayay iney si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta gobolka Darca oo ah halkii uu kasoo bilowday kacdoonkii ka dhanka ah Madaxweyne dalka Suuriya Bishar Al-Asad sanadkii 2011-kii
Dhanka kale saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Suuriya ayaa sheegay iney dib ugu laabanayaan gobolada la sheegay iney gacantooda ka baxeen, gaar ahaan kuwa dhaca Koonfurta dalkaas.
Ugu dambeyntii xoogagga mucaaradka ah ee sida xowliga mudada gaaban ay ku qabsanayaan dhul balaaran ayaa u muuqda mid la mid ah weeraradii ay Taalibaan xukunka dalka Afgaanistaan ay kula wareegtay sanadkii 2021-kii.