Thursday, November 21, 2024

Jubaland oo mucaaradka ugu baaqday in ay si nabad ah uga qeyb galaan Doorashada Madaxtinimo.

Wasiirka Qorshaynta Jubaland Cabdiraxmaan Cabdi Axmed ayaa Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Jubaland ugu baaqay in ay si nabad ah uga qayb galaan nidaamka Doorashada Jubaland, waxaana hadalka Wasiirka uu ka dambeeyay kadib markii ay musharixiin Mucaarad ah oo hogaanka Jubaland u hanqal taagaysa ay walaac ka muujiyeen kalsoonida lagu qabi karo nidaamka doorasho ee Jubalanad.

“Anigoo qadarinaya cid walba oo Xukumadeenna ka aragti duwan, dooneysana kursiga Madaxtinimo, waxaan ku boorinayaa in ay uga qayb galaan nidaamka Doorashada iyagoo ilaalinayaa Nabad-galyada iyo Xasiloonida Bulshada reer Jubaland” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdi Axmed, Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Jubbaland.

Magaalada Kismaayo waxaa kusugan musharixiin mucaarad ah oo iyagu dhaliilsan nidaamka  Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Madoobe, sidoo kale maalmihii ugu dambeeyay waxaa ay walaac ka muujinayeen inaan lagu kalsoonaan karin Guddiga doorashada ee Axmed Madoobe magacaabay.

Midowga Musharaxiinta Jubaland ee ku sugan Magaalada Kismaayo, ayaa horey u soo saaray Liiska Guddiga Doorashooyinka Jubaland iyagoo uga jawaabayay Guddiga Doorashada uu Axmed Madoobe magacaabay.

Sida ku cad jadwalka doorashada, maalinta Berrito oo Khamiis ah waxaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo lagu qabto Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Jubaland iyadoo maanta la qaban doono araajiida musharixiinta u taagan xilka Gudoonka.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles