Wednesday, September 18, 2024

Isimada Dhaqanka oo billaabay dhex-dhexaadinta Madaxweyne Deni & Siyaasiyiinta Mucaaradka

Waxaa Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland kulan uu uga furmay qaar kamid ah Isimada Puntland, kaas oo ay kaga hadlayaan muranka la xiriira arrimaha doorashooyinka ee u dhaxeeya Madaxweynaha Puntland iyo Siyaasiyiinta mucaaradka.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoominaya Boqor Burhaan Boqor Muuse, waxaana diirada lagu saarayaa sidii xal waara looga gaari lahaa xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Puntland si doorashada Puntland ay waqtigeeda ugu dhacdo.

Dhinaca kale Isimada Dhaqanka Gobolka Bari oo kulan ku yeeshay Magaalada Boosaaso ayaa dhankooda ka hadlay xaaladda Siyaasadeed ee ka taagan Puntland, iyaga oo ku eedeeyay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni in uu khalalaaso siyaasadeed ka wado Puntland.

Qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka Gobolka Bari oo kulanka ay ku yeesheen Magaalada Boosaaso ka hadlay ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la ilaaliyo xasiloonida Puntland, sidoo kale xal loo helo arrimaha doorashooyinka.

Bilihii la soo dhaafay waxaa degaannada Puntland ka taagan xiisad siyaasadeed oo u dhaxeeysa Siyaasiyiinta mucaaradka iyo Madaxweynaha Puntland, taas oo keentay in lagu dagaalamo Magaalada Boosaaso.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles