Thursday, January 2, 2025

Howlgalka Midowga Yurub ee xeebaha Soomaaliya oo ka digay weerar ay qorshaynayan Burcad badeedda Soomaalida.

Howlgalka Midowga Yurub ee ilaalada xeebaha  (EUNAVFOR) ayaa sheegay in koox cusub oo looga shakisan yahay burcad badeednimo ay ka baxeen xeebaha Soomaaliya, taasoo muujineysa suurtagalnimada in ay dib u soo cusboonaato howlgallada burcad badeedda Soomaaliya.

Sida ay sheegayaan warar kala duwan, saddex iyo toban budhcad-badeed hubaysan ayaa ka ambabaxay degaanada Ceel Huur iyo Hobyo ee koonfurta Mudug, taasoo kor u qaadday qeylo dhaan kasoo yeeraysa maraakiibta ganacsiga.

Howlgalka ilaalada badda ee Midowga Yurub ayaa Dhammaan maraakiibta kula taliyay inay si taxadar leh u socdaan oo ay soo sheegaan dhaqdhaqaaq kasta oo laga shakiyo.

Burcad-badeedda Soomaalida ayaa la sheegay inay illaa bishii June hakiyeen howlahooda cimilada oo xun awgeed, waxaana haatan oo cimiladu wanaagsan tahay laga cabsi qabaa inay dib u bilaabaan weerraradii ay ku hayeen maraakiibta ganacsiga.

Burcad-badeedda ayaa waxay afduubteen laba markab, MV Ruen iyo MV Abdullah sanadkii hore dhammaaadkiisii, kuwaas oo mid kamid ah xoog lagu furtay, kan kalena madax furasho laga qaatay.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles