Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Dowladda Hirshabeelle ayaa maanta Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ku qabatay Doorashada Gudoomiyaha iyo Gudoomiye ku-xigeenada Degmada Balcad.
Xildhibaanada Gollaha Deegaanka Degmadaasi ayaa Gudoomiyaha Degmada Balcad ahna Duqa magaalada u doortay Mudane Qaasim Cali Nuur halka Gudoomiye ku-xigeenka 1-aad loo doortay Mudane Ismaaciil Barre Nuur Gudoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Degmada ayaa sidoo kale loo doortay Mudane Axmed Maxamed Cabdullahi.
Munaasabada Doorashada waxaa Goob-joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Dowladda Hirshabeelle mudane Abdi Dahir Guure Karoore , Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Mohamud Ahmed Gacal , Wasiiro iyo Xidlhibaano Ka tirsan Dowladda Hirshabeelle, Agaasimaha guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha Mudane Nur Hassan Muse Gudoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyada Gobalka shabeelaha dhexe, Duqa Degmada Warsheekh Nabadoono, Waxgaradka Degmada Balcad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada degmada Balcad.
Wasiir Abdi Dahir Gurre Karoore ayaa doorashada kadib Bulshada reer Balcad uga mahadceliyay garab istaagoodii ku aadanaa mudadii ay socotay geedi socodka dhismaha Golaha Deegaanka Degmada Balcad sidoo kale Maamulka iyo Xildhibaanada Golaha Deegaanka.