Wednesday, June 18, 2025

Guddoomiyeyaasha labada aqal oo ka wada hadlay dardar gelinta howlaha baarlamaanka.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa hoygiisa uu ka deggan yahay magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha Baarlamaanka ee labada aqal, iyo ka shaqeynta shuruucda muhiimka u ah horumarka dowladnimada dalka.

Sidoo kale, labada Guddoomiye ayaa isla gartay xoojinta wada-shaqeynta labada aqal ee Baarlamaanka iyo ka howlgalka shuruucda mudnaanta leh inta ka dhiman kalfadhiga lixaad.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles