Friday, March 14, 2025

Guddoomiyaha ONLF oo sheegay inay suurtagal tahay inay dagaal kale la galaan Itoobiya.

Guddoomiyaha Jabhadda Xoreynta Ogaadeeniya (ONLF), Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Mahdi ‘Maaday’, ayaa sheegay in ururkoodu ka fiirsanayo inay mar kale dagaal la galaan Itoobiya, kadib markii ay Itoobiya ku guuldarraysatay fulinta heshiisyadii xabbad-joojinta dhaliyay ee ay la galeen dowladda uu hoggaamiyo Abiy Axmed.

Maaday oo waraysi siiyay BBC Somali ayaa sheegay inay horey ugula heshiiyeen Itoobiya in Soomaalida loo madaxbaneeyo maamulka khayraadkooda, in laga bogsiiyo dhibaatadii ka soo gaadhay tacadiyadii dagaalladii iyo xukunadii hore, in loo furo ganacsiga xorta ah, isla markaana kor loo qaado ilaalinta xuquuqda aadanaha ee guud ahaan deegaanka. Heshiisyadaasi oo uu sheegay in ilaa hadda aanay waxba ka hirgelin.

“Hadda wadatashi ayaanu wadnaa, waxay noqon kartaa in aanu dagaallano, waxay noqon kartaa in aanu cadaadis siyaasadeed saarno, in aanu samayno iska caabin nabadeed, ama dib u bilowno wadahadalladii,” ayuu yidhi Guddoomiye Maaday.

Mar la weydiiyay in ururkoodu aanu hadda lahayn ciidan rasmi ah, taasoo laga yaabo inay adkayso suurtagalnimada in ay dagaal la galaan Itoobiya, wuxuu ku jawaabay in qof kasta oo Soomaali ah uu dabiici ahaan askari yahay, sidaas darteedna ay ciidamo qoran karaan haddii ay go’aansadaan inay Itoobiya dagaal ku qaadaan.

Wuxuu intaas ku daray in Itoobiya ay dadaal ku bixinayso kala qaybinta ururkooda, isla markaana ay ka cagajiiday wadahadallo la doonayay in lagu saxo wixii khaldamay. Wuxuu sheegay in dowladda Deegaanka Soomaalida ay Jigjiga ka furtay shir ay la yeelatay koox ka go’day ururka, taasoo uu ku tilmaamay tallaabo sii carqaladaynaysa isku soo dhowaanshaha labada dhinac.

“Si lagu kala qaybiyo ayaa la abuuraya dad kugu kacaya, oo leh waanu ridnay guddoomiyihii, markasa waxa la leeyahay labadiinaba waanu idin aqoonsanahe idinku heshiiya, marka waa siyaasad qaybi oo xukun ah, taas ayaa muujinaysa in Itoobiya heshiiskii ay burburinayso,” ayuu yidhi Guddomiye Maaday.

Dhaqdhaqaaqa ONLF oo la aasaasay sanadkii 1984, wuxuu muddo dheer dagaallo xornimo iyo xuquuq raadis ah kula jiray dowladda Itoobiya, kahor intii aanay heshiis xabbad-joojin ah la gaadhin dowladda Abiy Axmed sannadkii 2018 kadib ballanqaadyo ay ka heleen dowlada, heshiisyadaas oo ay hada ONLF sheegtay in Abiy uu ka baxay.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles