Thursday, March 13, 2025

Guddoomiyaha Golaha shacabka oo shir guddoomiyey kulanka gudidda joogtada ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada oo ka dhacay xarunta Guddoonka iyo Guddiyadda ee Villa Hargeysa.

Kulanka oo looga hadlayay furitaanka kalfadhiga 6-aad ee Golaha Shacabka ayaa xubnaha joogtada looga dhageystay guddi walba qorshayaashiisa kalfadhiga lixaad iyo shuruucda uu gacanta ku haayo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in kalfadhiga lixaad oo dhowaan furmi doona Golaha Shacabka ay horyaalaan howlo muhiim ah iyo sidoo kale ka shaqeynta shuruuc kala duwan oo dowladnimada dalka muhiim u ah.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles