Golaha Wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa in maanta ay yeeshaanshir deg deg oo uu guddoominayo Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre.
Shirka Golaha Wasiirada maanta ay yeelanayaan oo ah mid aan caadi ahayn ayaa waxaa lagu wargeliyay in ay ka soo qayb-galaan dhammaan xubnaha golaha wasiirada, maadaama uu yahay shir muhiim ah.
Farriin loo diray xubnaha golaha, isla-markaana ay heshay warbaahinta Risaala ayaa waxaa lagu sheegay in shirka lagu qabanayo xafiiska Ra’iisal wasaaraha, isla-markaana uu yahay mid aan caadi ahayn, waxaana loogu baaqay Golaha Wasiirada laga in ay soo wada xaadiraan.
Xog ay heshay Risaala ayaa sheegaysa in shirka golaha wasiirada maanta dib loo dhigay oo uu dhici doono Isniin 30 bisha uuna kasoo qayb geli doono madxweyne Xasan Sheekh laguna meel marin doono safiiro cusub oo u baahan in golaha wadiirada la marsiiyo.