Wednesday, March 12, 2025

Duqa Muqdisho oo xalay booqday xarumo ganacsi oo ku yaallla caasimadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa caawa booqday qaar kamid ah xarumaha Ganacsiga ee ku yaalla Caasimadda si uu ugu kuurgalo Amniga iyo horumarka balaaran ee Magaalada kajira.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Amiir oo dhankiisa wax ka iibsanayay goobihii uu booqday ayaa ku dhiiragaliyay Ganacsatada Soomaaliyeed sida ay laf dhabarka ugu yihiin horumarinta adeegyada bulshada iyo bilicda Magaalada islamarkaana ay dalkooda u maalgashteen.

Guddoomiye Amiir waxaa booqashadaan ku wehlinayay Taliyaha qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Nabad sugida iyo Sirdoonka Gaashaanle Sare Cabdifitaax Shaaweeye.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles