Wednesday, September 18, 2024

Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay xarunta Hawlgalka Degdega ee Caafimaadka gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho  Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax dhigay xarunta Hawlgalka Degdega ee Caafimaadka Dadweynaha Gobolka Banaadir.

Dhagax-dhigaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Agaasinka Caafimaadka Gobolka Banaadir  Cabdiraxmaan Axmed Maxamuud, Guddoomiyaha Degmada Xamarweyne iyo Maareeyaha Machadka Caafimaadka Soomaaliya, iyadoona xaruntan ay qeyb ka qaadan doonto horumarinta adeegyada Caafimaadka Gobolka Banaadir iyo in ay bulshada helaan adeegyo caafimaad oo tayo leh.

Gudomiye Madaale ayaa sheegay in ay ka go’an tahay sidii ay Bulshada Caasimadda u heli lahaayeen Adeeg Caafimaad oo tayo leh.

 

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles