Dowladda Hindiya ayaa taageertay midnimada dhuleed iyo Wadajirka Soomaaliya xilli warbaahinta maamulka Somaliland ay qorayeen in Yahuudda ay Hindiya kala hadleen inay aqoonsato gobolada Waqooyi.
Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Hindiya oo lagu magacaabo Randhir Jaiswal ayaa sheegay in Hindiya ay xiriir qoto dheer la leedahay Soomaaliya islamarkaana ay taageerayaan madaxbanaanida dhuleed iyo Wadajirka Soomaaliya.
“Hindiya waxay xiriir taariikhi ah la leedahay Soomaaliya,waxaan adkeyneynaa muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo madaxbanaanida dhuleed iyo Wadajirka Soomaaliya”ayuu u sheegay warbaahinta Hindiya afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Hindiya.
Dowladda




