Saturday, March 15, 2025

Dowladda Fedaraalka oo ciid.amo dheeraad ah geysay furimaha hore ee dagaalka gobolka Shabeellaha Dhexe

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa deegaanka Cadaan Laxeey oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe geysay ciidamo dheeraad ah oo ka qeyb qaadanaya howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.

Deegaankaan ciidamada dheeraad ah geysay dowladda ayaa ka mid ah deegaanada ay dhawaan weerarada ka geysteen kooxda Al-shabaab oo maalmahii lasoo dhaafay kordhisay weerarada ay ku qaadeysay qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada la geeyay deegaanka Cadaan Laxeey oo hoostagta magaalada Ruunirgood ayaa ah cutubyo ka tirsan ciidamada Booliiska sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano Haramcad.

Maalmahii lasoo dhaafay inta badan deegaanada gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa ka socday howlgalo ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa deegaanka ay kula dagaalamayeen kooxda Al-shabaab.

Si kastaba ha ahaatee furimaha hore ee dagaalka deegaanada gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa maalmahii lasoo dhaafay dardar galin dagaal ka wada masuuliyiin ay ka mid yihiin Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage, Taliyaha ciidanka dhulka Sahal Cabdullaahi Cumar iyo Guddoomiyaha Maxkamada Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute .

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles