Saturday, September 14, 2024

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay dagaal ka dhacay Gobolka Hiiraan

Wararka naga soo gaaraya Degmada Beergadiid ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu Maanta ka dhacay dagaal geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kaas oo siweyn looga dareemay degmada.

Dagaalka ayaa waxaa uu u dhaxeeyaya Ciidamada Nabadsugida Gobolka Hiiraan iyo Maleeshiyo hubeeysan oo qaab qabiil u abaabulan, sida ay Risaala u sheegeen dad Goobjoogayaal ah.

Dagaalka ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyooday hal ruux oo la sheegay in uu ahaa Shacab halka Saddex qof oo dhinacyadii dagaalamay ahaa ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo lagula tacaalayo xaaladooda Caafimaad Isbitaalka Degmada Beergadiid ee Gobolka Hiiraan.

Dad ku sugan degmada Beergadiid ee Gobolka Hiiraan ayaa Warbaahinta u sheegay in dagaalka uu ka dambeeyay kadib markii maleeshiyaadka hubeysan oo dhac ka geystay duleedka degmada Matabaan la xiray eheladooda, balse iyaga oo ka careysan xarigaas ay weerareen saldhigga degmada Beergadiid.

laamaha Amniga degmada Beergadiid ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay inay ku raadjoogaan maleeshiyaadka dhibaatada ka wada Aaga degmada, isla markaana dhawaan ay cadaaladda horkeeni doonaan.

Wararkii ugu dambeeyay ee nagas oo gaaraya Degmada Beergadiid ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi ay ka tagaan tahay xiisadda ka dhalatay dagaalka ka dhacay, iyada oo qaar kamid ah Bulshada ay cabsi soo wajahday.

Degaannada iyo degmooyinka Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay kamid yihiin meelihii ugu horreeyay ee laga billaabay dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab, hayeeshee mararka qaar ay ka dhacaan dagaal beeleedyo soo laab laabtay.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles